Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qeyb-galay Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd Ee Koobka Kubbadda Koleyga Oo Caawa Xulka Maroodi Jeex Ku Guulaystay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qeyb-galay Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd Ee Koobka Kubbadda Koleyga Oo Caawa Xulka Maroodi Jeex Ku Guulaystay,
November 14, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo caawa ka qeyb-galay  Ciyaartii kama danbaysta ahayd ee Koobka Kubbadda Kolayga oo ka dhacday garoonka Tima-cade ee Caasimadda Hargeysa, waxaana ay ciyaartaasi dhexmaraysay  Gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Waxaana Daawashada Ciyaartaasi caawa ka qayb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirrada Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Sayniska, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo ku xigeenkiisa, badhasaabka gobolka Saaxil, Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Ku xigeenkiisa iyo maayarka Berbera, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland iyo masuuliyiin tiro badan oo kale.

Waxaana halkaasi ka dhacday ciyaar ciyaar dhaaftay oo lagu kala bixi waayey ilaa lagu daray wakhtigii dheeriga ahaa oo ugu danbayntii ay guushu ku raacday gobolka Maroodi-jeex oo keensaday 52 dhibcood halka gobolka saaxilna uu keensaday 47 dhibcood. Waxaana sidaasi Koobka ku qaaday  Ciyaartoyga Gobolka Maroodi-jeex oo noqday horyaalka gobolada Kubadda Koleyga ee sannadka 2020, iyadoo Koobkana uu  Gudoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu abaalmarino gudoonsiiyey garsoorayaashii dhex-dhexaadinayey ciyaaraha gobolada ee dhinaca kolayga, ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa koobkan kolayga, tababarayaashii, masuuliyiin kale oo loo gartay abaalmarin sharafeed ay ku mutaysteen intii uu socday koobka kolaygu iyo gobolkii ugu ciyaar wanaagsanaa dhinaca kolayga oo la siiyey gobolka Hawd  oo la yimid ciyaar wanaag intii koobku socday.

Wa Bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
LINKS