|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Maamulka Tigreega Oo Ka Hadlay Dagaalo UDhexeeya Ciidankooda Iyo Kuwa Dawlada fadaraalka Itoobiya.
November 5, 2020 - Written by Editor:BAHAR DAAR(W,N)-Madaxweynaha Ismaamulka Deegaanka Tigrayga Micheal Debretsion, Oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa Faah faahin ka bixiyay dagaalo udhexeeyay dawlada fadaraalka Itoobiya Iyo Maamulka TPLF Isagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub badan oo casri ah kaasi oo gacanta ugu jiray Militeriga Ethiopia, isagoo intaasi ku daray in hadda ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan weerar kaga yimaada Ciidanka Ethiopia. “Riiyadii ahayd in la dumiyo Tigray waa burburtay, Waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta u hurno kaalintayada. hadda si buuxda ayaanu u qalabaysanahay, Waxaan ku ilaalin doonnaa Tigreega hubkaas” “Taliska Woqooyi wuxuu kasoo jeedaa dhinaca dadka Tigray, markaa waxaan uga guuleysan doonnaa xaaladda si guul leh” ayuu yidhi Madaxweynaha deegaanka Tigraay oo maanta ka hadlay warbaahinta Deegaankiisa.
Tigray mass Medai
Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Xil-ka Qaadis iyo Shaqo Joojin Ku Sameeyey Xogahayihii Arrimaha Gudaha i... Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Jsl Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo Ba... Daawo:Cuqaasha Gobolka Saaxil Oo Si Adag Uga Hadlay Dacwada Faysal Cali Waraabe Ka Gudbiyay Maayirad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|