|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xeer Madaxwayne Ku Dhaqan Galin Wakhti La Bilaabayo Diwaan Galinta Codbixiyaasha.
November 4, 2020 - Written by Editor:XEER MADAXWEYNE: 04 /11/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka. Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020; Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Waxaan Go’aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Related posts:War Deg-Dega-Masuuliyiintii Ka Xidhnaa Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani oo Xabsiga Laga Siidaayey. Daawo: Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Sheegay In Hoos U Dhac Wayni Ku Yimi Dhoofkii Xoolaha Somalila... DAAWO: Hordhaca; Barnaamijka Xog Iyo Xaqiiq Oo Aynu Diirada Ku Saarayno Hantida Danta Guud Ee Ay Xu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|