Madaxwaynaha Jsl Oo Xeer Madaxwayne Ku Dhaqan Galin Wakhti La Bilaabayo Diwaan Galinta Codbixiyaasha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xeer Madaxwayne Ku Dhaqan Galin Wakhti La Bilaabayo Diwaan Galinta Codbixiyaasha.
November 4, 2020 - Written by Editor:

XEER MADAXWEYNE: 04 /11/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.

Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:  Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020;

Markaan Dersay:  Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS