Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo magacaabay Gudiga Qabanqaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo magacaabay Gudiga Qabanqaabada Aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib
November 18, 2020 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N)madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliand Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay gudiga qabanqaabada heer qaran aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeisa.

WAREEGTO MADAXWEYNE: 18/11/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/MG/083-586/112020, uu ku magacaabay guddi aas qaran oo ka kooban siddeed xubnood.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
Ujeeddo: Magacaabid Guddi Aas Qaran
Mudanayaal,
Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic.
Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS