|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDSI Oo Sheegay In Aanay Jirin Ciidamo Ay Udirayaan Dagaalka Lagula JiroTigreega.
November 11, 2020 - Written by Editor:JIG JIGA(W,N)-Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay sheegayay in Maamulkiisu uu Ciidamo u dirayo dhinaca Gobolka Tigreega, si ay Ciidammada Federaalka ugala qayb-qaataan dagaalka. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia ee ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreega. “Anaga iyo dowladda dhexe ee Itoobiya waxaanu ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaadhan ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka..” ayuu yidhi, Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu caddeeyay Mowqifkiisa ku saabsan dagaalka Kililka Tigreega “Mowqifkayagu waxaa weeye, in aanu boqolkiiba boqol taageersanahay dagaalka ay qaadday dowladda Itoobiya..” Related posts:Shirkadaha Bixiya Adeega Korontada Jsl Oo Shaaciyey In Laga Bilaabo 1 August Ay Bakhtiin Doonaan La... DAAWO; Warbixin Xasaasi ah Oo laga Diyaariyay Khilaafka Ragaadiyay Dawlada Hoose Ee Boorama Iyo S... DAAWO; Madaxdhaqameed Beesha Madigaan Oo Madaxwayne Siilaanyo ka Codsaday In Uu ka Hawlgalo Sooda... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|