Maamulka Gobolka Maroodi Jeex Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Tirada Dadka Shacabka ah Iyo Askarta Ku Dhaawacan Tahay Rabshadihii Ka Dhashay Ciyaartii Galabta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Gobolka Maroodi Jeex Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Tirada Dadka Shacabka ah Iyo Askarta Ku Dhaawacan Tahay Rabshadihii Ka Dhashay Ciyaartii Galabta.
November 13, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Badhasaabka gobolka maroodi jeex iyo Maayarka caasimada hargaysa ayaa siwada jir ah uga hadlay Khasaaraha ka dhashay rabshadihii ka dhacay garoonka Hargeisa stadium oo ay kuwada ciyaarayeen xulalka gobolada Hawd Iyo Daad madheedh oo markii xulka gobolka hawd diideen rikoodhe laga qabtay ay sobobtay in rabasho iyo isku dhac ciidanka booliska iyo gaareeyashooda ay keentay.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegay in ay rabshadahan Ay ku dhaawacmeen 10 qof iyo askar tiro badan.

Dhanka kale masuuliyiinta ayaa fariin la xidhiidha ciyaarta bari ah udiray xulalka Gabiley Iyo hargaysa oo maalinta bari ah kuwada ciyaaraya garoonka hargeisa stadium.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS