|
|||||
WAJAALE NEWS
Kusimaha Xoghayaha Difaaca Ee Dalka Maraykanka Oo Booqasho Aan Hore Loo Shaacin Ku Yimid Muqdisho.
November 27, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Sii Hayaha Xoghayaha gaashaandhiga Dalka Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan hore loo shaacin maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoo noqonaya mas’uulkii u horeeyay Ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka ka socda oo booqasho ku Yimaada Soomaaliya. Miller ayaa muddo saacado ku sugnaa Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha oo uu kula kulmay xubno ka mida Ciidamada Mareykanka,, sida ay shaacisay CNN. Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo Maamulka Trump uu shaaciyay Inuu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ku sugan Soomaaliya Oo gaadhaya ku dhowaad 700 askari. Mareykanka ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka Taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, Iyadoo howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha Laheyn ee Drones ku beegsadaan xubnaha sare ee Al-Shabaab. Related posts:Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Oo Ujawaabay Dadka Ku Dhaliila In Aanu Madaxwayne Biixi Dhisayn... Xubno Katirsan Golaha Wasiirada Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Beeraha Wax Soo Saarka Ee Gobolka Sar... Markale Iyo Falaqaynta 26-ka Wasiir Ee Xukuumadda Siilaanyo + Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Ta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|