Joe Biden Oo Ku Guulaystay Doorashada Madaxtinimada Ee Dalka Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Joe Biden Oo Ku Guulaystay Doorashada Madaxtinimada Ee Dalka Maraykanka.
November 7, 2020 - Written by Editor:

NEW YORK (W,N)-Joe Biden ayaa noqon doona madaxweynihii 46-aad Ee dalka Mareykanka, kadib guushii uu ka gaaray Gobolka uu ku dhashay ee pennsylvania taasoo ka dhigtay inuu ka sarreeyo codadkii doorashada ee loo baahnaa inuu Guuleysto.

Joe Biden ayaa hadda haysta 273 oo ah codadka doorashada. Kahor intaanu noqon musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga, Biden wuxuu madaxweyne ku xigeen u soo noqday madaxweynihii hore Barack Obama.

Kamala Harris ayaa noqon doonta madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horeysay Ee qabata xilka xafiiska Madaxwayne kuxigeenka maraykanka

Guuldarada doorashada madaxweyne Trump ayaa ka dhigeysa madaxweynihii 11aad oo Mareykanka oo lumiya in mar kale dib loo doorto.

Dhanka madaxwayne Trump ayaa isagu qaadacay natiijada doorashada isagoo sheegay in uu hubin doona sobobta lagaga guulaystay

Dalka maraykanka ayaa waxaa ka socda isku soo baxyo loogu dabaaldegyo guusha Joe Biden ee xisbiga dimuqraadiga oo noqon doona madaxwaynihii 46Aad ee dalka maraykanka

 

COMMENTS
LINKS