Isuduwihii Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Togdheer Oo Iscasilay, Eedo Culusna Ujeediyay Maamulka Gobolka Iyo Shakhsiyaad Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isuduwihii Wasaarada Ciyaaraha Ee Gobolka Togdheer Oo Iscasilay, Eedo Culusna Ujeediyay Maamulka Gobolka Iyo Shakhsiyaad Kale.
November 7, 2020 - Written by Editor:

BURCO(W,N)Isuduwihii Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Ee Gobolka Togdheer Kayse Yuusuf Cilmi ayaa Shaaca ka qaaday in uu iska casilay Xilkaasi isagoo dhaliilo Culus  Ujeediyey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Xubno Dhalinyaro ah oo uu ku eedeeyey In lug ku lahaayeen kala qaybinta Dhalinyarada xulka gobolka Togdheer oo khilaaf udhexeeyay Darteed uu sobobay in ay ka hadhaan tartanka gobolada Somaliland.

Sidoo kale isuduwihii hore ee ciyaaraha gobolka togdheer ayaa ka waramay khilaafkii ciyaartoyga xulka gobolka iyo sidii ay u kala qaybsanaayeen oo sobobtay in ay isfara saaraan ciyaaryahanadu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS