Hadalhaynta Shirkii Beelaha Dir Uga Qabsoomay Dalka Kenya Iyo Dareenada Ka Dhashay Siyaasiyiin Maamulka farmaajo Katirsan Oo Ka Qaybgalay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalhaynta Shirkii Beelaha Dir Uga Qabsoomay Dalka Kenya Iyo Dareenada Ka Dhashay Siyaasiyiin Maamulka farmaajo Katirsan Oo Ka Qaybgalay!!
November 5, 2020 - Written by Editor:

Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliya Maareye Xayir Iyo Ex wasiir Kuxigeen Jamaal Oo Ku Fashilmay Qorshe Ay Doonayeen In Ay Ku Majaro Habaabiyaan Shirkii Beelaha Dir Uga Qabsoomay Nairobi.

NAIROBI(W,N)-Shir Balaadhan Oo Ay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Ganacsato  ka Kala Socotay Beelaha Dir Ee ku Kala Dhaqan Jabuuti,Somaliland ,Itoobiya, Somaliya Iyo kaasi Oo Mudo laba cisho ah uga socday Magaalada Niarobi Ee Caasimada Dalka Kenya.

Shirkan Beelaha dir iskugu Yimaadeen Ayaa lagaga Arinsaday Isku Xidhnaanta beelaha dir, Doorka ay ku Leeyihiin siyaasada somaliya iyo dhismaha baarlamaanka Soo socda xubnaha uga qaybgalaya.

 

Sidoo kale shirkan beelaha dir ku yeesheen caasimada Dalka Kenya ee Nairobi ayaa laga soo saaray go,aamo la Xidhiidha arimaha siyaasada, baaq ku waajahan colaada Qoomiyadaha somalida iyo canfarta eek u dagaalamaya Gudaha dalka itoobiya.

Sidoo kale Shirkan beelaha dir ayaa ahaa mid qaab Loo soo agaasimay uu aad usareeyay kaasi oo markii Uhoraysay kulmiye badi haldoorka beelaha dir eek u kala Dhaqan geeska Africa, kaasi noqday mid abuuray rajo iyo Isku xidhnaan siyaasadeed oo ay beelaha dir ku Muujinayaan awooda ay ku leeyihiin geeska Africa kaasi Oo mudo dheer kala daadsanayand balse wakhti Xaadirkan umuuqtada mid lagu aas aasay waji cusub oo Ay yeelan doonto siyaasada beelaha dir iyo ka qayb qaadashada iyo jaan goynta siyaasadeed ee qoomiyada dir oo mudo haatan laga jooga 50sano ahayd mid kala daadsan oo aan lahayn isku xidhnaansho dhaqan iyo mid siyaasadeed.

Dhanka kale waxaa dareeno shaki abuuray ay ka Dhasheen siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Maamulka Somaliya iyo xukuumada madaxwayne farmaajo oo iyagu shirka kasoo dhex muuqday kuwaasi Oo ay hormuud ka ahaayeen wasiirkii hore Ee wasaarada Warfaafinta Somaliya Maareeye xayir iyo wasiir ku xigeen Lagu magacaabo Jamaal,

labada masuul Oo iyagu gabi ahaanba ku fashilmay siyaasadii ay beelaha dir ku matalayeen ee mudada dheer ay muqdisho ku joogeen ayaa haldoorkii shirka ku sugnaa ka muujiyeen dareeno shaki leh iyo sidoo kale in ay wataan ajande ay ku marin baahiya islahaayeen shirka Beelaha dir wallow ay si dhow ula socdeen dhaq Dhaqaaqyadooda madaxda shirka ku sugnayd.

Ex Wasiir Maayreeye Xayir Iyo Ex wasiir kuxigeen Jamaal Ayaa sidoo kale xogaha shirka laga helay sheegeen in Ujeedada Ugu way nee labadan masuul usocdeen ay ahayd oo kaliya sidii ay sawir ula gali lahaayeen shirka beelaha dir.  taasi oo dareeno shakile ku abuuray guud ahaan beelaha dir oo iyagu danaynaya in shirka beelaha dir ay kasoo baxdo ujeedo ka fog dano gaara iyo rabitaanka xubno kusoo fashilmay siyaasada somaliya islamarkaana usocda in ay shirka majaro habaabiyaan kana dhigtaan dhufays ay mar kale ay rabaan in ay  kasoo koraan salaada siyaasada somaliya ee ay hore ugu fashilmeen.

Dhanka kale Ex Wasiir Maareeye iyo Jamaal ayaa sida Xogaha laga helayo dad ka dhow dhow ay sheegeen in ay Doonayeen sidii ay shirarka beelaha dir ugu jaajuuusi lahaayeen maamulka farmaajo iyagoo donaya in ay saami dir kusoo galaan baarlamaanka danbe ee somaliya.

WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS