Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Sheegay In Dadka Ladan & Siyaasiyiinta Kufsiga Geysta Xabsiyada Laga Siidaayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Sheegay In Dadka Ladan & Siyaasiyiinta Kufsiga Geysta Xabsiyada Laga Siidaayo
November 26, 2020 - Written by Editor:

“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin…”Gudomiye Baaruud,

Hargeysa (W,N) – Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud ayaa sheegay in Xabsiyada laga siidaayo Dadka ladan, sida Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ku kaca Falalka uu kufsigu ka mid yahay.

Guddoomiye Maxamed Baaruud oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay oo lagaga hadlayey Tacadiyada loo geysto Dumarka, ayaa sheegay inay Xabsiyada Somaliland ay ka buuxaan Dad Masaakiin ah oo aan qabsan karin looyarro u dooda, halka laga siidaayo Dadka Hantida haysta iyo Siyaasiyiinta jeebkoodu buuran yahay, arrintaasina tahay Caddaalad-darro si weyn u muuqata.

Maxamed Baaruud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa la noo soo sheegay Dadka wax kufsada ee Ladan, sida Dad Ganacsatada ah iyo Dad siyaasiyiin ah oo Madax ah in iyadoo Maxkamado Xukumeen oo Kufsi lagu caddeeyay la siidaayo.”

Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanku wuxuu sheegay “Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin, iyaguna qabsan karayn Looyar (u dooda), laakiin Ninkii Ladnaa Looyar buu qabsanayaa, Xildhibaan u ordaya, Wasiir baa u ordaya, Cid walba waxay daba cararraysaa Qofkaa ladan, waalla siidaynayaa oo waxba lagu qaadi maayo (Xukun)…” ayuu yidhi.

 

 

 

COMMENTS
LINKS