|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.
November 21, 2020 - Written by Editor:Oslo(W,N)-Dawladda Norway ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muwaadin reer Somaliland ah oo dhalasheeda haysta oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Ragnhild Simenstad ayaa Warbaahinta Norway Today u sheegay in Wakiilka Somaliland ee Norway doonayaan inuu ballan deg-deg ah uga sameeyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, si uu ugala hadlo Muwaadinkan u dhashay Norway. Ninkan u dhashay Norway oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil, ayaa lagu eedeeyay inuu sannadkan gudihiisa nin ku dilay Magaalada Hargeysa. Gar-yaqaan u doodaya Ninkan Farid Bouras ayaa sheegay inuu xidhiidh la soo sameeyay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) “Waan la hadlay Wasiirka, waxaanu sheegay inaanu xukun kama dambaysa ahayn in Ninkan eedaysanaha la dili doono Maalmaha soo socda, Xukunku maaha kii u dambeeyay ayuu igu yidhi..”
Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Kusoo Guryo Noqday Caasimadda Hargeysa. Waftigii Ka Socday Dawlada Maraykanka Oo Booqday Suuqii Gubtay Ee Waaheen Iyo Waxyaabaha Ay Indhahoo... Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimhii Hore Iyo Ag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|