|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.
November 21, 2020 - Written by Editor:Oslo(W,N)-Dawladda Norway ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muwaadin reer Somaliland ah oo dhalasheeda haysta oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Ragnhild Simenstad ayaa Warbaahinta Norway Today u sheegay in Wakiilka Somaliland ee Norway doonayaan inuu ballan deg-deg ah uga sameeyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, si uu ugala hadlo Muwaadinkan u dhashay Norway. Ninkan u dhashay Norway oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil, ayaa lagu eedeeyay inuu sannadkan gudihiisa nin ku dilay Magaalada Hargeysa. Gar-yaqaan u doodaya Ninkan Farid Bouras ayaa sheegay inuu xidhiidh la soo sameeyay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) “Waan la hadlay Wasiirka, waxaanu sheegay inaanu xukun kama dambaysa ahayn in Ninkan eedaysanaha la dili doono Maalmaha soo socda, Xukunku maaha kii u dambeeyay ayuu igu yidhi..”
Related posts:DAAWO;-Wasiir Kuxigeen Arimaha Gudaha Oo Raalin Ka Bixiyay Hadal Uu Hore Uyidhi, Oo Shacabka Gobolka... Xoghayaha Maaliyad Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid Iyo Wafti ay Hor Kacayso Oo Lagu Soo Dhaweeyey ... Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Usameeyay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Kuso... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|