Dawlada Jabuuti Oo La Sheegay In Ay Itoobiya Dib Ugu Celisay Saraakiil Ciidan Oo Magangalyo Waydiistay, Kana Soo Jeeday Ismaamulka Tegray! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo La Sheegay In Ay Itoobiya Dib Ugu Celisay Saraakiil Ciidan Oo Magangalyo Waydiistay, Kana Soo Jeeday Ismaamulka Tegray!
November 6, 2020 - Written by Editor:

Dawlada Jabuuti Oo Dalkeeda ka Masaafurineysa 16 Askari Oo Itoobiyaan Ah.

JABUUTI(W,N)-Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka Musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida La Sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo Ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay Ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay Xarunta hay’adda sirdoonka si baaritaan loogu sameeyo.

Sida qorshuhu ahaa Askartan ayey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga In qorshahan uu dhaqan galay iyo in kale.

Dhanka kale wararka hoose ee laga helayo ciidanka  iskugu jiray saraakiisha iyo askarta ee itoobiyaanka ah Ee kasoo jeeda deeganka tigrayga kuwaasi oo la sheegay in ay dawlada jabuuti waydiisteen magangalyo balse dawlada jabuuti ay ka diiday iyadoo ugacan galisay dawlada itoobiya ee ay marka horena naftooda uga soo baxsadeen taasi oo ka hor imanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo arimaha bini,aadamiga ah oo ay mamnuuc tahay in qof dalkii uu kasoo baxsaday in dib loogu celiyo.

Majirto war rasmi ah oo laga helayo halka ay ku danbeeyeen Askartan itoobiya ee markii udanbaysay ku jiray gacanta dawlada jabuuti xili ay colaado iyo qalalaase siyaasadeed uu ka taagan yahy dalka itoobiya oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan dagaalo sokeeye

Tallaabadan ayaa timid iyada oo xaalad kacsanaan ah  ay ka jirto gobolka Ismaamulka Tigray-ga kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay howlgal military lagu qaado.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS