|
|||||
WAJAALE NEWS
Dacwad Ka Dhan Ah Madaxwayne farmaajo Iyo Raysal-wasaare Rooble Oo Loo Gudbiyay Beesha Caalamka,
November 15, 2020 - Written by Editor:Muqdisho(W,N)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble u gudbiyay Beesha Caalamka. Guddoomiye Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku eedeeyay inay ku tunteen sharciga u yaalla dalka Soomaaliya, isla markaana ay nidaam sharci darro ah ku magacaabeen guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka kooban laba Bog ayuu u kala diray Beesha Caalamka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan, wuxuuna ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya 2020/2021. HALKAN KA AKHRI QORAALKA KASOO BAXAY AQAL SARE EE SOMALIYA;
Related posts:War Deg Deg Ah: Maamul goboleedka Puntland oo amray in hawada laga saaro TV-ga qaranka Somaliland Duuliyihii Diyaarada Qadar Airways Ka Hadlay Halis Ay Ku Galeen Hawada Somaliya Kadib Markii Maamulk... "Maxamed Kaahinoow Waddani Khilaaf Kama Dhex Jiree, Orod Oo Kala Qabo Reerkiina Iyo Reeraha Kale"..S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|