DAAWO;-Kulan Lagu Gorfaynayo Mashruuca Nafaqaynta Somaliland Oo Lagu Qabtay Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Kulan Lagu Gorfaynayo Mashruuca Nafaqaynta Somaliland Oo Lagu Qabtay Magaalada Gabiley.
November 10, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Magaalo madaxda gobolka Gabiley Ee Gabiley Ayaa Maanta Lagu Qabtay Kulan Balaadhan Oo Lagu Gorfeynayo Habsami Socodka Iyo Xoojinta Nidaamka Nafeqeynta Ee Dalka.

Kulankan Ayaa Waxa Soo Qaban-Qaabiyay Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Oo Adeegan Nafaqeyntu Si Toos Ah U Hoosta.

Kulankan Oo Ay Ka Soo Qeybgaleen Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada, Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakameynta Aydhiska, Gudoomiyaha Haayadda Ambikam Iyo Madaxa Mashruuca Nafaqeynta Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Iskuduwayaasha Laamaha Dawlada U Jooga Gobolka Gabiley.

Waxaana Lagaga Hadlay Qodobo Kala Duwan Si Loo Dhiirigaliyo In La Taabagaliyo Barnaaminka Nafaqeynta Si Looga Midha-Dhaliyo Taabagalkiisa

Qodobada Kulanka Lagu Faaqiday Ayaa Kala Ahaa Sidan

(1)Ugu Horeyntii Waxa Lagaga Hadlay Bixinta Tababaraho La Xidhiidha Bixinta Mahsruuca Nafaqeynta.

(2)Doorka Haayadaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Dawladu ka Qaadanayaan Socodsiinta Iyo Ka Shaqeysiinta Mashruuca Nafaqeynta.

(3)Kobcinta Aqoonta Lagu iftiiminayo Qiimaha Ay Nafaqeyntu Leedahay

(4)Dib U Eegis Lagu Sameynayo In La Ogaado Waxyaabaha Ka Hirgalay Qabsoomida Mashruuca Nafaqeynta Iyo Qorsheynta Hormarinta Mashruuca Ee Sanaddaha Soo Socda Si Looga Gun-Gaadho Hormarintiisa

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS