|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Adeegyo Caafmaad Oo Lagula Tacaalayo Xanuunka Kuududiye Oo Laga Fuliyay Xaafadaha Magaalada Gabiley.
November 4, 2020 - Written by Editor:GABILEY(W,N)-Agaasimaha cisbitaalka magaalada gabiley marwo Niciima Yuusuf ayaa ka warbixiyay adeegyo caafimaad oo xaafadaha gudaha magaalada gabiley ay ka fulinayaa hawlwadeenada caafimaadka cisbitaalka gabiley. Dhaakhaatiirtan ayaa dad ku dhaqan magaalada gabiley oo uu saamayn ba,an ku hayo xanuunka kuududiyaha ayaa waxay usameeyeen adeegyo caafimaad oo ay kusiiyeen daawooyin lagaga dabiibayo xanuunka kuududiyaha. Adeegyada caafimaad ee loo fudiyay ayaa waxaa gacan ka gaysatay dawlada hoose ee degmada gabiley ee uu gadhwadeenka uyahay maayar maxamed amiin. Dhanka kale maayarka magaalada gabiley ayaa dhakhaatiir iyo daawooyin udiray deegaanada miyiga kuwaasi oo lagu Tacaali doono xanuunka kuududiye isagoo sheegay in xarumaha caafimaad ee gudaha magaalada gabiley ay dadka danyarta ahi ka heli doonaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo lagula tacaalayo xanuunkan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Faahfaahin ka Bixisay Awoodda ay u Leedahay Wax-ka-bedelka Qiim... Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Horkeenay Golaha Wakiilada Misaaniyada Sanadka 2014 Warbixi... Xisbiga Waddani Oo Madal Ilyartu Isqabatay Maanta Ku Soo Dhaweeyey Siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo T... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|