Ciidamada TPLF Oo Gantaalo Ku Weeraray Caasimada Dalka Eretriya Ee Asmara. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada TPLF Oo Gantaalo Ku Weeraray Caasimada Dalka Eretriya Ee Asmara.
November 14, 2020 - Written by Editor:

ASMARA(W,N)-Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa Sheegaya In ciidamada ismamulka Tegreey ee  TPLF ay caawa Saddex gantaal oo nooca ridida dheer ah ku weerareen Magaalada Asmara ee  caasimada dalka Ereteriya.

Sidoo kale Wararka laga helayo weerarka ay TPLF ku qadeen Eretariya ayaa sheegaya inay gantaaladu ku dhaceen madaarka Asmara iyo wasaarada warfaafinta Ereteriya. Ma jiro wax war ah oo ay dawlada Ereteriya ka tidhi arrintan, laakiin Telefishanka TPLF ayaa caawa baahiyay in TPLF duqayn doonto Asmara oo uu ku eedeeyay in weeraro lagaga soo qaaday.

Muuqaalka Sawirkan ayaa waxa baahisay shabakad warar oo twitterka caan ka ah oo la yidhaahdo Morad News. Laakiin maaha sawir la xaqiijin karo inuu yahay weerarkii caawa la sheegay inuu dhacay.

Dawlada Itoobiya ayaa kooxda TPLF ku eedaysay inay xadgudbyo ka dhan ah biniaadamka gaysatay mudadii uu dagaalku socday.

Maamulka tegreeyga ee dalka itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyay wuxuu dagaal ba,an dhexmarayay dawlada fadaraalka ah ee itoobiya ooiyad duulaanka kusoo qaaday iyadoo diyaaradaha dawlada itoobiya ay duqaymo ka gaysteen gobolka tegreega iyada oo sida ay baahiyeen duqaymadaa ku burburiyay warshadii korontada iyo sonkorta  halka ay duqaymahaasi ku nafwaayeen boqolaal shacabka ismaamulka tegreeyga ahi,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS