Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Kasoo Horjeestay Go,aankii Xulka Gobolka Lagaga Mamnuucay Ciyaaraha Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Kasoo Horjeestay Go,aankii Xulka Gobolka Lagaga Mamnuucay Ciyaaraha Jsl.
November 9, 2020 - Written by Editor:

“Aqbali Mayno In Ciyaartoydayada Lagu Tilmaamo Qabyaaladaystayaal” Maamulka Gobolka Togdheer.

BURCO(W,N)-Badhasaabka gobolka togdheer iyo gudoomiye kuxigeenka degmada burco oo ka hadlay munaasibad ayaa ka hadlay ciyaartoygii xulka gobolka togdheer iyo eedaha loosoo jeedinaya ee ah in guul daradoodii ay keentay kala qaybsanaan qabyaaladaysan.

Sidoo kale maamulka gobolka togdheer ayaa sheegay in  aanay aqbalaynin in  xulkooda lagu eedeeyay in ay qabyaalad u kala qaybsameen iyagoo cabasho ka muujiyay qaabka ay warbaahintu wax uga qortay.

Dhanka kale maamulka gobolka togdheer ayaa kasoo horjeestay ganaax afar sano ah oo xulka gobolka laga mamnuucay ciyaaraha gobolada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS