95 Milyan Oo Muslimiin Ah Oo Xogtooda Laga Iibiyay Ciidammada Mareykanka Iyo Cida Siisay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
95 Milyan Oo Muslimiin Ah Oo Xogtooda Laga Iibiyay Ciidammada Mareykanka Iyo Cida Siisay!
November 24, 2020 - Written by Editor:

PARIS(W,N)-Dadka Faransiiska ah ee isticmaala app-ka salaadda ee Muslim Pro, ayaa maxkamad la tagaya shirkadda maamusha, oo lagu eedeeyey inay iibisay xog u gacan gashay ciidammada Mareykanka, waxaa sidaas sheegay qareenadooda.

Muslim Pro ayaa sheegta inay ku xidhan yihiin 95 milyan oo qof oo kala jooga dunida dacalladeeda.

Dad hore u isticmaalay app-kan, ayaa dacwaddan furay kadib markii warbaahinta qaar ay sheegeen inay xogta dadka la wadaagtay shirkado ku xidhan ciidamada Mareykanka.

Kiiskan dacwadeed, oo uu shaaca ka qaaday raadiyaha Faransiiska ee RTL, ayaa shirkadda ku eedeeyey gef ka dhan ah ilaalinta xogta, ku xadgudubka aaminaadda, halis gelinta nolosha dadka, iyo shirqoolista dil.

Kiiskan ayaa la filayaa in maxkamad laga diiwaan geliyo maanta oo salaasa ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbaahinta Mareykanka ee Vice ay toddobaadkii tegay sheegtay in ciidammada Mareykanka ay xogta halka ay joogaan dadka ku xidhan ka iibsatay dhowr app oo ka jira meelo kala duwan oo caalamka ah.

Vice ayaa sheegtay in app-yada xogta laga iibsaday uu ku jiro Muslim Pro, oo hela xogta halka uu joogo qofka isticmaalaya, si loogu wargeliyo xilliga Salaadda iyo jihada ay ka jirto Makka.

Shirkaddan ayaa xogta ka iibisay shirkad lagu magacaabo X-Mode, oo kadibna ka iibisaya ciidammada Mareykanka oo ay qanadaraas kula jirto, sida ay sheegtay Vice.

Ciidamada Mareykanka ayaa kadib xogta u adeegsan kara howlgalladooda dibedda, sida ay sheegtay Vice, ayada oo la tuhmayo in loo adeegsan karo dilal ka baxsan sharciga sida duqeymaha drone-ka.

Kadib markii ay warbixintan soo baxday, Muslim Pro ayaa sheegtay inay gebi ahaan joojin doonto inay xogta dadka la wadaago dhammaan shirkadaha.

Shirkaddan oo uu aasaasay qof Faransiis ah oo fadhigiisu yahay dalka Singapore ayaa sidoo kale sheegtay inay billaabeyso baadhitaan gudaheeda ah.

COMMENTS
LINKS