|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Bulshada Ugu Baaqday In La Weyneeyo Xuska Dhalashada Nebi Muxamed (CSW)
October 28, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqday in kor lo qaado oo la weyneeyo Xuska dhalashada Nebigeenna suubban ee Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana waxay Cambaaraysay aflagaaddaynta Nebiga ee Madaxweynaha Faransiisku taageeray. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu baaqay inay weyneeyaan Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ku beegan 12-ka bisha Rabiicul-awal oo Khamiista caawa ku beegan. Wasiir Khaliil waxa uu cambaareeyey aflagaaddaynta Nebi Muxamed (NNKH), waxaanu soo dhaweeyey Muddaharaadka ay Boqollaal Dadweynaha reer Burco Salaasadii shalay ku muujiyeen siday uga xun yihiin aflagaaddaynta Nebi Muxamed ee Faransiiska ka soo yeedhaysa, isla markaana Madaxweynaha dalkaasi sida qaawan u taageeray. Sidaa daraaddeed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu ka warramay taariikhda Nebi Muxamed (CSW) iyo sida Allaah ((SWT), uu u karaameeyey. Waxaanu Wasiirka Diintu Culimada dalka ku amray inay sameeyaan Muxaadirooyin ku saabsan Siirada Nebi Muxamed (CSW), isla markaana Khudbadaha Jimcaha ku soo qaataan Siirada Rasuulka HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Daawo:Sidii Maanta Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Berbera Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cab... Taliyaha Ciidanka Itoobiya Oo Ka Hadlay Xaalada Nabadgalyo Ee Xuduudka Udhexeeya Sudan Iyo Gobolka T... Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Noqday, Isagoon Qasriga Madaxtooyada kasoo Xaadirin Saf... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|