Wasiir Saajin Oo Ka Dareen Celiyay Tanaasulka Saylici Iyo Fariinta Uu Udiray Reer Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Saajin Oo Ka Dareen Celiyay Tanaasulka Saylici Iyo Fariinta Uu Udiray Reer Awdal.
October 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa dhankiisa ka  mahadceliyey tasaasulka uu madaxweyne-ku-xigeenku u sameeyey, isaga oo tallaabadaasna ku tilmaamay mid tudhaale badani ka muuqdo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan uga mahadnaqaya madaxweyne-ku-xigeenka oo gartay inuu iiga tanaasulo arrintii aannu isku qabannay, waa nin xisbiga raggii dhisay kamid ah, dedaal badannina kasoo galay, isaga oo u tudhaya xisbigii uu Aasaasayaashiisa kamid ahaa, maanta inuu iiga tanaasulo wuxuu iga mudan yahay mahad.”

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku si guud ugu mahadnaqay cid kasta oo isu soo dhaweynta iyo tanaasulka ka shaqaysay ee xilka iska saartay, isaga oo shacabka gobolka Awdal-na ugu baaqay inay wada-jir ula shaqeeyaan, islamarkaana uu madaxweyne-ku-xigeenku yahay musdambeedkiisa.

 

COMMENTS
LINKS