|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Ugu baaqay Dowladda Federalka Inay Ilaaliso Xoriyada Hadalka,
October 23, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)–Ergeyga Gaarka ah Ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya, James Swan ayaa dawlada ugu baaqay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka, xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayso doorashooyin guud. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda. “Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Hadalkan James Swan ayaa u muuqday farriin ku socota dowladda federalka Soomaaliya oo lagu dhaliilo inay xirto cid walba oo sii daysa rayi dowladda kasoo horjeeda. Related posts:“Farmaajo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Waa Lasoo Gabagabeeyay, Waa Inuu Ku Daydaa Saaxiibkiis Mursal..... Xildhibaan Siciid Sokeeye Oo Ka Hadlay Diyaarad Qof Xanuunsanaya Ka Qaaday Madaarka Hargaysa Oo Hawa... DAAWO;-Qareenada Udoodaya Xildhibaanada Xidhan Ee Gabiley Oo Sharci Daro Tilmaamay Rumaanka Ay Maxka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|