|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Waa Goob Istaraatiiji Ah Oo Ku Taalla Geeska Afrika, Halka Ay Taiwana Buuxiso Goob Juquraafi Ahaan Istaraatiiji ah..”Madaxwaynaha Taiwan.
October 14, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Madaxweynaha Dalka Taiwan Tsai Ing-wen ayaa Sheegtay in dalkeena Taiwan iyo dalka Somaliland ay iska kaashan karaan Dano badan oo labada dal khuseeya. Tsai Ing-wen ayaa Sheegtay in dalkeena Taiwan iyo dalka Somaliland ay iska kaashan karaan Dano oo Toddobaadkan qaabishay Wakiilka Somaliland ee dalkaa Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa waxay xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ku tilmaantay mid Taariikh ah. Madaxweyne Tsai Ing-wen waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay in iskaashi dhow oo dhex mara Somaliladn iyo Taiwan uu wanaajin karo Maalgashiga iyo Horumarka labada dhinac. “Somaliland waa Goob istaraatiiji ah oo ku taalla Geeska Afrika, halka ay Taiwana buuxiso Goob Juquraafi ahaan Istaraatiiji ah..” ayay tidhi Madaxweynaha Taiwan, waxayna intaa ku dartay “Somaliland waa Dimuqraadiyadda Afrika, Taiwana sidaas oo kale waxay dedaal ugu jirtaa inay sii xoojiso Dimuqraadiyaddeeda..” Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen waxa kale oo ay sheegtay “Haddii wada-jir loogu dedaalo in la is kaashado, waxaynu noqon karnaa saaxiibbo isku dhow, oo midba midka kale uu si adag uga taageero Fagaareyaasha Caalamiga ah..” Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa isna kulankaa ka sheegay in Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan Arrimo badan oo ay ka mid tahay Dimuqraadiyaddu iyo siday ugu adkaysteen dagaallada ka dhanka ah Qadiyadahooda.
Related posts:DAAWO;-Xukuumad Somaliland Oo Sheegtay In 20 Qof Oo Looga Shakiyay Cudurka Covid19 Shay baadhkoodii ... Madaxwayne Kuxigeenka jsl Oo Socdaal Dhinaca Hawada ah Kusoo Kormeeray Qaybo kamida Deegaanada Say... Gudoomiye Kuxigeenka Baanka Dhexe Ee Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Amal Bank Ka Hirgalisay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|