Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Heshiiska Ay Kala Sexeexdeen Somaliya & Qaramada Midoobay Iyo Go,Aanka Ay Ka Qaadatay Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Heshiiska Ay Kala Sexeexdeen Somaliya & Qaramada Midoobay Iyo Go,Aanka Ay Ka Qaadatay Somaliland!
October 29, 2020 - Written by Editor:

“Qaramada Midoobay Waa Shaydaan, Aynu Ku Qasban Nahay In Aynu La Noolaano”Madaxwayne Cigaal.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray Ayaa ka hadlay heshiishka ay kala sexeexdeen dawlada somaliya iyo Wakiilka qaramada midoobay ufadhiya muqdisho oo ah Nidaamka cusub ee ay uwada shaqaynayaan,

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa ka dhawaajiyay go,aanka ay Somaliland ku diiday heshiiska ay somaliya iyo qaramada Midoobay isagoo soo qaatay go,aan uu madaxwayne cigaal ka Qaatay haayadaha qaramada midoobay iyo halka uu ku Danbeeyay markii danbe sheegayna in laga war sugi doono Go,aanka ay hada ka qaadatay xukuumada madaxwayne biixi.

Siyaasi cali guray ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Waxa Soo Socdaa Yaab Leh. Horaa Loo Soconayaa Waa Run Laakiin Yaa U Soconaya?Siyaasi Cali Guray,

AHN Maxamed Xaaji Xigaal ayaa mar Go’aankan oo kale qaatay Isagoo u jeeday haya’daha UN-ka oo keliya. Bulshadii caalamka oo dhan iyo haya’dahoodii caalamiga ahaa oo dhan ayaa la soo saftay U.N-ka. Kolkuu arkay xaalku siduu yahay ayuu ka noqday. Wuxu yidhi “ Qaramada Midoobay waa shaydaan aynu ku qasban nahay in aynu la noolaano”. Sidii bay ku joogeen Somalilandna ay ula noolayd weliba berigaa Somalia may ahayn wax jiray. Bal hadda go’aankan maanta ay gaadhay xukuumadda Somalilandna ka hor dhici mayno waase loo wada joogi.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS