“Qaab-Dhismeedka Siyaasadeed Ee 3da Xisbi Ee Somaliland, Waa Qaab-Dhismeedkii Xisbigii Hantiwadaaga Ahaa Ee Siyaad Barre”Siyaasi Ismaaciil Buubaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qaab-Dhismeedka Siyaasadeed Ee 3da Xisbi Ee Somaliland, Waa Qaab-Dhismeedkii Xisbigii Hantiwadaaga Ahaa Ee Siyaad Barre”Siyaasi Ismaaciil Buubaa
October 7, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasiga Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)  oo kamid ah siyaasiyiinta rugcadaaga ah ee Somaliland ayaa dhaliilay qaab dhismeedka xisbiyada Somaliland oo aan waxba ku kala duwanayn sidaana wuxu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay  bartiisa twitterka wuxuna udhignaa Sidan;

“Qaab-dhismeedka siyaasadeed ee 3da xisbi ee Somaliland, waa qaab-dhismeedkii Xisbigii hantiwadaaga ahaa ee xukuumadii MW Siyaad Barre. Dhaqankooda keli-talisnimadu ku dheehantahay, wuxuu ka soo maaxaa qaab-dhismeedkooda siyaasadeed. Nabadeen = Nabareen !!!

COMMENTS
LINKS