Prof Ibraahim Aadan Qaalib Oo Kamid Ahaa Aas Aasayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo Gabi Ahaanba Laga Reebay Xubnaha Golaha Dhexe! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Ibraahim Aadan Qaalib Oo Kamid Ahaa Aas Aasayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo Gabi Ahaanba Laga Reebay Xubnaha Golaha Dhexe!
October 6, 2020 - Written by Editor:

Xubinta Ku Cusub Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ku Wacad Furay Prof Ibraahin Aadan Qaalib Oo Ka Mida Ahaa Hormoodkii Ku Suntanaa Guushii Xisbiga ee Gobolka Awdal.                    

Tan Iyo Markii La Aas Aasay Urur Siyaasadeedkii Kulmiye, Wuxuu xisbiga Kulmiye soo maray marxalado kala duwan Waxaana marag ma doona in xisbigu kaga soo gudbay Duruufihii adkaa Ee Soo maray Madaxdii u Dhabar Adaygtay ee Gobollada Dalka Ujoogtay .

Hadaba muddadii xisbiga Kulmiye  halganka ugu jiray siduu ugu guulaysan lahaa hoggaaminta talada dalka, waxay taariikhdu ka Marag kacaysaa In Pro Ibraahin Aadan Qaalib Uu xilal kala Duwan ka soo Qabtay Xisbiga Kulmiye, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu muddada dheeraa xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, waxaa xusid mudan in Gobolka Awdal Ee Uu ka soo jeeday Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.  Sidaas darteed,waxuu Pro Ibraahin Aadan Qaalib u dhabar adaygay dhibaatooyin badan iyo tacadi badan uu kala kulmi jiray taageerayaashii xisbiga Udub kula kaceen oo waxyeelo u gaysan jiray guryihiisa magaalada Boorama ku yaala . Isla-markaana Tahdiid Udheerayd xubnaha qoyskiisa oo Ay ku hayeen taageerayaashii awoodda badnaa ee xisbigii Udub ku lahaa xarunta Gobolka Awdal ee boorama, kuwaasi oo uu kaga soo gudbay dulqaad iyo waayo aragnimo dheeraada uu u leeyahay xalinta khilaafaadka iyo saamaxaada .                                              Inkasuu Pro Ibraahin Aadan Qaalib  ka mid yahay hormoodkii ku suntanaa guushii xisbiga Kulmiye ee 2010 ball aynu dul joogsano dadaaladii dheeraadka ahaa Iyo wacdarihii halganka xisbiga Kulmiye uu talada dalka kagala wareegay Xisbigii Udub iyo kaalintuuku lahaa Pro Ibraahin Aadan Qaalib .  Mana aha mid ku cusub saaxadda xisbiga kulmiye in uu ku wacad furo madaxdii ama siyaasiyiintii ku suntanayd.

Prof Ibaraahim Aadan qaalib ayaa madaxwaynihii hore ee Somaliland guushii xisbiga kulmiye kadib ee 2010 umagacaabay xisaabiyaha guud ee qaran xilkaasi oo uu mudo hayay.

Prof ibraahim Aadan qaalib oo jidaa dheer ee aynu kor kusoo xusay usoo maray sidii xisbiga kulmiye guul ku gaadhi lahaa kana mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa gabi ahaanba laga reebay xubnaha golaha dhexe ee Lagu Ansixiyay shirwaynihii afraad ee xisbiga kulmiye, taasi oo noqotay mid Siwayn ay  isku waydiinayaan bulshada ku dhaqan gobolka Awdal iyo guud ahaanba gobolada galbeedka ee taageerayaasha xisbi xaakimka kulmiye.

Talaabada lagaga reebay Prof Ibraahim Aadan Qaalib xubnaha Golaha dhexe ayaa la laxidhiidhay mid ka timid isbadalka ku yimid hogaanka xisbiga gaar ahaan gudoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga oo hore uu u ahaan jiray madaxwayne kuxigeenka Somaliland cabdiraxmaan saylici halka shirwaynaha xisbiga gudoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga kulmiye loogu doortay wasiirka wasaarada ganacsiga Saajin oo isna kasoo jeeda gobolka awdal taasi oo lala xidhiidhiyay ujeedada wakhti xaadirkan Prof Ibraahim Aadan qaalib lagaga reebay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo uu mudo dheer kusoo jiray halka xubinimadiisii golaha dhexe lagu badalay xildhibaan kasoo baxay xisbiga Ucid oo dhawaan kusoo biiray kulmiye oo ay kasoo jeedaan gobolka awdal.

Arintan ayaa kamid noqonaysa talaabooyinka dhaawaca ku ah xisbi yahanada kulmiye ee ay caadaysteen hogaanka kulmiye in marka xisbinimada lagu jaangooyo rabitaanka siyaasiga ku cusub Ee kusoo biira xisbiga, balse ay danayanayaa siyaasiyiinta hormuudka ah xisbi xaakimka kulmiye loona sadqeeyo xubnaha xisbiga tacabka badani kasoo galay.

Dhanka kale wasiir saajin oo noqonaya gudoomiye kuxigeenka afraad ee kulmiye ayaa arintani ku noqonaysa mid durba abuurta  kala qaybsanaan ku timaada taageerayaasha xisbiga kulmiye ee gobolka awdal oo ay marka hore saamayn balaadhan ku yeelatay tartankii ay kursiga gudoomiye kuxigeenka afraad Ugaleen Cabdiraxmaan saylici Iyo wasiir Saajin Wallo  aakhirkii uu Utanaasulay Saylici,

waxaana laga war sugi doonaa talaabada uu arinta ka qaado madaxwaynaha jsl muuse biixi cabdi ahna gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo sida uu prof Ibraahim sheegay uu ugudbin doono tabashadiisa.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS