|
|||||
WAJAALE NEWS
Murashaxii u horeeyay Ee Kasoo Jeeda Gobolka Sool Oo Shaaciyay Damaciisa Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Dhoolatuska Deegaankiisa Loogu Sameeyay
October 12, 2020 - Written by Wariye:Laascaanood(WJN)-Dadweyne Tira Badan oo isugu jira Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Deegaanka Ceegaag, ayaa siweyn Usoo dhaweeyay Murashaxii i Horeeyay ee Deegaamada Gobolka Sool Ku Shaaciyay Damaciisa Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee Soo Socota Murashax Axmed Xirsi Xasan oo ku Magac dheer, (Axmed-Qani),Kadib Markii uu Gaadhay Deegaankiisa, oo u Muujiyay Taageero Balaadhan.
![]() Dadweynaha Degmada Ceegaag Soo Dhaweynta iyo Baashiraada ay usameeyeen, Murashaxan badheedhihiisa Siyaasadeed ee Loolanka Doorashada Baarlamaanka Soo bandhigay, Kadib Waxey u balanqaadeen Taageerada ay u hayaan,oo aanay ukala hadhi doonin Islamarkaana ay la Barbar joogaan hiil iyo hooba, iyagoo u balanqaadey in ay Siin Doonaan Codkooda iyo Taageeradoodaba Maadaama uu horeba uga Dhex Muuqdey Guud ahaanba Gobolka iyagoo xusey in ay ka Deegaan ahaana ku qabaan kalsooni dheeraad ah.
![]() Murashaxa Axmed-Qani Xirsi Xasan, oo hore u ahaa Dhalinyarada ugu Firfircoon Gobolka Sool kana Soo dhex Muuqdey Ciyaaraha Kubada Cagta, iyo Isboortiga ayaa Noqonaya Murashaxii u horeeyay Ee Damaciisa kusoo Bandhiga Gobolkaasi Doorashada Golaha Baarlamaanka, Waxaanu Kasoo Qeyb qaatay Nabadayntii Gobolka Buuhoodle.
![]() Murashaxa ayaa Dhinaciisa Siweyn uga Mahad Celiyay Soo dhaweynta iyo Taageerada ay u Muujiyeen Dadweynaha Deegaanka Ceegaag, Waxaanu u balanqaadey in uu Waxweyn ka qaban Doono Adeegyada Aasaasiga ah iyo Baahiyaadka kale ee Deegaankaba, Dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka iyo Biyaha iyo Waliba jidadkaba.
Wariye Abdirahman Nuux
Related posts:Daawo:Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Qadiyada Saldhiga Mil... Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Soo Jeediyey In La Sameeyo Dawlada Ku Meel Gaadh Ah Si Adagna Uga Hadlay... DAAWO ;Masuuliyiinta Laanta Socdaalka Oo Ka Hadlay Dad Ku Dhoofaya Baasabooro Faajari Ah Oo Lagu Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|