Muran Ka Taagan Xubnaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE iyo Xubno Daaqada Laga Saaray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muran Ka Taagan Xubnaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE iyo Xubno Daaqada Laga Saaray.
October 8, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa dhawaan ansixiyey Xubnaha Golaha Dhexe oo tiradoodu gaadhaysay 234 xubnood oo aan magacyadooda la shaacin.

Xubnaha oo ahayd in magacyadooda la shaaciyo, si loo ansixiyo, ayaa waxa arrintaasi ka sheegay in dib laga sheegi doono Shirguddoonkii weynaha Kulmiye, kaas oo ku dooday in aanay suurto gal ahayn in magacyada dad ka badan 200 qof in la yeedhiyo, waxaanay xuseen in wixii khaladaad ah iyo tabasho ah si wakhti loogu helo aan la shaacinayn Magacyada Liiska Golaha dhexe.

Tan iyo intii ka dambaysan markii la ansixiyey xubnaha Golaha dhexe iyo muddadii saddexda cisho ahayd ee shirweynaha Kulmiye socday, waxa la dareemayey loollan adag iyo is jiid jiid ka dhex jiray masuuliyiinta Kulmiye iyo Beelaha qaarkood, kuwaas oo hirdan ugu jiray ka mid noqoshada Golaha Dhexe ee Kulmiye.

Loollankan cusub, ayaa waxa keenay laba qodob oo mid ahaa in Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayaradda dalka ee Kulmiye ka soo baxay si toos ah uga mid noqdaan Xubnaha Golaha dhexe ee Kulmiye, taas oo dhicisowday ka dib markii la diiday.

Qodobka kale ee ahaa in xubnaha golaha Wasiirrada ay si toos ah uga mid noqdaan Golaha dhexe, ayaa meesha laga saaray, waxaanay labadan qodob keeneen loollan iyo is riix riix Beelaha dhexdooda ah, iyada oo Masuuliyiinta Kulmiye, sida Wasiirrada, Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Maayarradu ay ku hawlan yihiin sidii ay Beelahooda ugu soo geli lahaayeen, inkasta oo ay Loollan adag kala kulmay xubno Xisbiyahanno iyo siyaasiyiin igu jira oo doonaya in ay xubnimadoda adkaystaan.

Sidoo kale, waxa iyaguna meel ay ka galaan raadinaya Xubno ka mid ahaa Golihi Wasiirradda ee Xukuumaddii Siillaanyo oo Wasiirnimo ugu jiray Golaha dhexe, kuwaas oo qorshahan cusubi uu meesha ka saaray, iyada oo la sheegay in qaarkood xubno Golaha dhexe oo beelnimo ugu jiray ay uga baxeen.

Loollanka iyo hirdankan Xubnimada Golaha dhexe, ayaa sidoo kale saamaysay Beelaha qaarkood, kuwaas oo madaxa iskula jira, iyaga oo xubno damac leh mid walba uu doonayo inuu ku soo galo magac Beeshiisa.

COMMENTS
LINKS