Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Ukicitimo Gobolka Awdal Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Lagaga Soo Horjeedo Oo Ka Socda Magaalada Boorama, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Ukicitimo Gobolka Awdal Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Lagaga Soo Horjeedo Oo Ka Socda Magaalada Boorama,
October 9, 2020 - Written by Editor:

BOORAMA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland Muuse Biixi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lafilayaa In maalinta bari ah  ay safar ugu baxaan magaalo madaxda gobolka awdal Ee boorama Oo ay kaga Qaybgalayaan xaflada qalin jabinta ardayda Jaamcada Camuud,

Magaalada boorama ayaa caawa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo kuwaasi oo maamulka gobolka iyo xubnaha golaha wasiirada xukuumada katirsan ku hawlan yihiin sidii loo soo dhawayn lahaa waftiga madaxwaynaha

Halka Ay Dhanka kale barbar socdaan magaalada boorama dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan dhalinyarada magaalada oo lagaga soo horjeeda safarka madaxwaynaha kuwaasi oo ku doodaya madaama xukuumada madaxwayne biixi dhawaan gobolka Awdal udiiday in uu soo galo Ugaaska Guud ee beelaha Samaroon Ay iyagu aanay ogolaanaynin soo dhawayn loo sameeyo madaxwayne biiixi,

Gudaha magaalada boorama ayaa caawa lagu arkayaa waraaqo lagu daadiyay oo ay ku qoran tahay sida ay uga soo horjeedaan Imaatinka waftiga madaxwaynaha jsl.

Dhanka kale waraaqahan lagu daadiyay gudaha magaalada ayay ku qoray yihiin hadalo digniin iyo hanjabaad iskugu jira oo ku socda waftiga madaxwaynaha

Sidoo kale magaalada boorama ayaa waxaa ka taagan saamaytii siyaasadeed uu uu bulshada gobolka ku yeelatay tartankii xisbiga kulmiye ee gudoomiye kuxigeenka afraad ee madaxwayne kuxigeenka somaliland cabdiraxmaan saylici iyo wasiirka wasaarada ganacsiga saajin oo utuntii ay reebtay bulshada ku dhaqan gobolka awdal kaga tagtay kala qaybsanaa baahsan taasi oo wakhti xaadirkan qayb ka ah kala qaybsanaan bulshada ee qaarna diyaar garoobayaan soo dhawayntiisa halka qaybaha bulshada qaarkoodna  diidan yihiin imaatinka waftiga madaxwaynaha ee magaalada boorama.

Dhanka kale wararka laga helayo magaalada borama ayaa sheegay in  xukuumadu keentay magaalada boorama ciidamo tiro badan kuwasi oo gaaf wareegaya jidadka magaalada boorama oo caawa aad loo adkeeyay amaankeeda.

Arinta ayaa laga cabsi qabaa in maalinta bari ah magaalada boorama ka abuurto isku dhacyo ciidanka iyo bulshada ah oo sobobi kara khasaare nafeed.

WIXII KASOO KORDHA WARARKA MAGAALADA BOORAMA IYO SOCDAALKA MADAXWAYNAHA KALA SOCO WARARKEENA DANBE.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS