Madaxwayne Biixi Oo Eedo Culus Ujeediyay Qaramada Midoobay Iyo Nuxurka Digniin Uu Udiray Wakiilka Muqdisho Ufadhiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Eedo Culus Ujeediyay Qaramada Midoobay Iyo Nuxurka Digniin Uu Udiray Wakiilka Muqdisho Ufadhiya.
October 28, 2020 - Written by Editor:

“Qaramada Midoobay Waxay U Dhaqmeen Si Siyaasi Ah, Oo Wax U Dhimaysa Qarannimada Somaliland,Oo Ah Inay Fuliyaan Amarrada Laga Siiyo Villa Somaliya”Madaxwayne Biixi.

 HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa farriin cad u diray hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo  qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somalialnd, isagoo Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ta uga digay inuu waxyeeleeyo ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay, waxaannu yidhi, “Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay ka mid yihiin hay’ado badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS