Madaxwayne Biixi Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay Iyo Nuxurka 5Qodob Oo Ay Hor Dhigeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay Iyo Nuxurka 5Qodob Oo Ay Hor Dhigeen!
October 13, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ilaa Habeenkii xalay ku sugnaa magaalo Madaxda Gobolka Gabiley Ee Gabiley Islamarkaa Uu xalay Ka Baaqday Kulankii ay ubalansanaayeen kadib markii Madaxwaynuhu uu usheegay in uu La shirayo  beel gaar ah oo Reer gabiley tabasho ka qabto, taasi oo ay ka dhalatay dareeno Cadho leh Halka kulankii ay saaka ubalansanaayeen ay ka biyo Diideen madaxdhaqameedka reer gabiley oo madaxwaynaha Usheegay in ay ubaahan yihiin kulan wakhti dheer qaata ayaa Maanta galinkii danbe ka qabsoomay hoolka xarunta dawlada Hoose ee gabiley, kaasi oo saacado badan qaatay.

Kulanka madaxwaynaha iyo madaxdhaqameedka,waxgaradka Iyo odoyaasha gobolka gabiley  oo ay warbaahintu dibad joog Ka ahayd ayaa  wararka aanu ka helaynaa sheegeen in Waxgaradka iyo odoyaasha gobolka  gabiley ay madaxwaynaha Hor dhigeen 5 qodob oo xasaasi  kuwaasi oo ay ku soo Ururiyeen tabashadooda ay ka qabaan xukuumada uu Hogaaminyo madaxwayne biixi iyo kuwo ay ubaahin yihiin in uu Fuliyo mudo xileedkiisa oo hada ay u hadhsan tahay 2sano.

????????????????????????????????????

Qodobada ay hor dhigeen reer Gabiley Madaxwayne Biixi  oo ay weheliyaan xubnaha xilalka ka haya xukuumadiisa iyo maamulka gobolka iyo ka degmadu ayaa kala ahaa;

1;Dhamaytirka Gobolnimada Gabiley. Oo sheegeen in uu ansixiyo inta lagu gudo jiro mudo xileedkiisa

2;fulinti heshiiskii Ceel bardaale ee golaha guurtidu kasoo saareen muranka dhul beereedkaasi/

3;saluuga ay ka qabaan xilalka xukuumada madaxwayne Biixi.

4;muranka ka tagaan Goobaha Xayiran ee waqooyiga gobolka gabiley

5;khilaafka ka taagan deegaano katirsan degmada arabsiyo iyo maroodi jeex ee deegaanka dhagax guure.

Sidoo kale waxgaradka gobolka gabiley ayaa madaxwayne biixi  ka dalbaday in uu raali galin ka bixiyo hadalkii shalay kasoo yeedhay ee ahaa in uu gabiley kula shirayo beelo aan Masiirkeeda go,aamin Karin isaga iyo wasiirkiisa wasaarada Caafimaadku.  Oo ay xogaha laga helayaa tibaaxeen in uu ka Garaabay madaxwaynuhu halka  wasiirka caafimaadkuna Waxgaradka hortiisa uu raali galin kaga bixiyay,

Dhanka kale wararka aanu ka helayno kulanka madaxwayne Biixi iyo madaxdhaqameedka gobolka gabiley ayaa intaa ku daraya  in ay ahayd  markii uhoraysay ee reer gabiley madaxwayne biixi runta usheegaan sidii ay udoorteen, iyaga oo  xusay in uu xilalkii qaranka uxigto miisay jufadiisa hoose balse aanay taasi ka filaynin, iyadoo beelaha kale ee reer Somaliland wax tabanayaan saami qaybsiga kuraasta xukuumadiisa,

Madaxwayne biixi ayaa la sheegay dhankiisa in uu qodobada ay reer gabiley hor dhigeen qaarkood  ka jawaabay, halka uu qaarna usheegay in uu dib uga soo celin doono  jawaabahooga marka uu  la tashado haayadaha ku shaqada leh ee xukuumadiisa.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ay faah faahin kaga bixiyeen natiijada kulanka madaxwaynaha iyo madaxdhaqameedka gobolka gabiley

Madaxwayne biixi iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa markii uu shirku dhamaaday kadib usoo guryo noqday caasimada hargaysa oo ay soo gaadheen salaadii makhrib kadib.

Sikastaba ha ahaa garnaqsiga waxgaradka iyo odoyaasha gobolka gabiley ayaa ahaa kuwo madaxwayne biixi  ku noqday fajac iyo amakaag isagoo hore reer gabiley uga bartay in ay marka uu safar ku yimaado gobolka uu isagu uga warbixiyo waxyaabaha xukuumadiisa uqabsoomay, balse aan kala hadal tabashadooda iyo danaha reer gabiley oo ay ugu horayso dhamaystirka gobolnimada gabiley iyo saami ay ka ka rabaan xukuumadiisa,

Waxaana laga war sugi doonaa sida uu madaxwayne biixi wax Uga fuliyo qodobada ay hor dhigeen oo hadii uu waxka qaban waayo caqabad ku noqonaysa xukuumadiisa iyo in uu mar Danbe isagu Isku soo sharaxo madaxwaynaha Somaliland taasi Oo uu ku waayi doono taageeradii aan kala hadhka lahayn ee ay Reer gabiley la barbar istaagi jireen xisbiga kulmiye oo mudadii Uu ka talinayay Somaliland aan wax la taaban karo kusoo Celinin bulshada gobolka gabiley wax ay ku waayaan mooyaane.

KALA SOCO WARARKEENA DANBE WIXII FAAH FAAHIN AH EE KASOO KORDHA KULANKA MADAXWAYNE BIIXI IYO WAXGARADKA GOBOLKA GABILEY.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

COMMENTS
LINKS