Maayarka Magaalada Gabiley Oo Beeniyay In Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Beeniyay In Laga Saaray Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye!
October 9, 2020 - Written by Editor:

“Waxaan Uga Digayaa Dadka Faafinaya Wararka Beenta Ah, In Ka Waantoobaan Baahinta Warar Aanay Hubin”Maayarka Gabiley.

GABILEY(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in laga saaray xubnaha golaha dhexe Ee xisbiga kulmiye

Maayar Maxamed Amiin Ayaa Sidaa ku sheegay Qoraal Uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay TWITRER isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin uuna kamid ahaa ergooyinkii ka qaybgalay shirwaynaha xisbiga kulmiye ee xubinnimadooda golaha dhexe lagu ansixiyay shirwaynaha xisbiga.

Sidoo kale Maayarka magaalada gabiley ayaa digniin culus udiray dadka iyagu ku hawlan  faafintawarar been abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayd isagoo ugu baaqay in ay ka waantoobaan.

Qoraal uu maayarka magaalada gabiley baahiyay ee uu ku beeninayay wararka been abuurka ah ee lagu sheegay in laga saaray golaha dhexe ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa udhignaa Sidan;

Dhanka kale Maayarka Magaalada Gabiley ayaa kamid sida xeerka xisbiga kulmiye sheegayo xubnaha golaha dhexe kusoo galayay xilalka ay hayaan sida maayarada dal,wasiirada,xildhibaanada golayaasha qaranka.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS