Ma Run Baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daartay Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Run Baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daartay Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray?
October 11, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Waxa Shalay la soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kaasi oo ka kooban 241 Xubnood.

Liiskaas  waxa Lambarka 7-aad ku jira Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, waxaase Gebi ahaanba ka maqan Xubnaha Qoyska Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid tahay Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo hore ugu jirtay Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Wiilka uu Sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar.

Lama garanayo in Xubinnimada Siilaanyo tahay ‘Xubin Sharafeed’ ay qorsheeyeen Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo inuu yahay Xubin rasmiya.

Hase-yeeshee Warar uu Wargeyska Geeska Afrika ayaa tilmaamaya in la filayo in Axmed-siilaanyo uu ka cudur-daarto Xubinnimadaas KULMIYE, waxayna Wararku sheegyaaan inuu Cudur-daarkiisa ku salayn doono in Golaha dhexe ee cusub laga reebay Dad badan oo ka mid ahaa kuwii la aasaasay Xisbiga oo isagu jira Haween iyo Rag.

Geesta kale, Liiska Shalay waxa bannaanaa Laba Lambar oo kala ah 50 iyo 49, kuwaasi oo aan la garanayn sababta loo banneeyay, Laakiin Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Labada Lambar ee bannaanaa yihiin Labada Xubnood ee Beesha Madaxeyne Axmed-Siilaanyo ee Aadan  Madoobe.

XIGASHO; GEESKA

COMMENTS
LINKS