|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ma laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland, In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkaddan? Siyaasi Cali Guray.
October 14, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla arimaha ka taagan jamhuuriyada Somaliland ayaa ka digay khatarta shirkada Tragura oo xukuumada madaxwayne biixi doonayso in ay ku wareejiso haamaha kaydka shidaal ee magaalada berbera. Sidoo kale Siyaasi cali guray ayaa ka digay fadeexad wayn oo uu sheegay in ay Somaliland kala kulmi karto heshiis ay la gasho shirkada Tragura oo dunida kaga caan ah in ay qashin ku aasto badaha islamarkaana musuq maasuq baahsan looga haysto dunida. Siyaasi Cali Guray oo qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; “Ma laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu waynayd ee Abid soo marta Somaliland in ay noqoto heshiiska lala galay shirkaddan??? Marka laga eego dhinacyada sharciyadda, heshiiska mugdiga Iyo madmadowga ah ee lala galay, saamaynta shirkadaha Waddaniga ah, Iyo ta ugu daran oo ah dacwadaha kaga socda Shirkaddan dalal badan oo dunida ah iyo taariikhdeeda Madow Ee Shaqada qashinka nukeliyarka ee dalalka Horumaray sharkado ka mid ah ay qandaraasyada ku si… SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”” Related posts:Murashaxa xisbiga kulmiye oo Dib u Istaadhay khilaafkii iyo Burburintii uu ku Hayay Saldanada Beesha... Midowga Yurub Oo Balan Qaaday Inay Gacan Ka Gaysan Doonaan Sidii Ay Diiwaangelinta Codbixiyayaashu U... “Madaxweyne Muuse Biixi Iskuma Dhigin Inuu Weli Yahay Madaxweynihii Qaranka Somaliland, Waxaanu Weli... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|