|
|||||
WAJAALE NEWS
Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Afrika Oo Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Qadiyadda Somaliland!
October 13, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Qaaradda Afrika Sanadihii 1989-1993 Danjire Herman J. Cohen, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay noqdaan Waaqiciyiin oo ay aqoonsadaan kala Tagga Somaliland iyo Soomaaliya. Danjire Cohen ayaa qoraal kooban oo uu 10-kii October, 2020 ku qoray Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inaan la is garab dhigi karin. “Jamhuuriyaddii Soomaali waxa gumaystay Talyaaniga, Somaliland-na Ingiriiska, labaduna xorriyad ayay heleen si dhakhso ahna waxay u midoobeen 1960..” ayuu yidhi Danjire Cohen, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay u go’day si ay u samaysato Dawlad Madax-banaan, waa laba aan gebi ahaanba la is barbar-dhigi karin..” Dublamaasigan Maraykanka ahi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka wuxuu yidhi “Beesha Caalamku waa inay noqoto Waaqici oo ay aqoonsadaan Kala Taggaas (Somaliland iyo Soomaaliya)…”
Related posts:Shirkada DP WORLD Oo War Saxafadeed Kasoo Saartay Hawlaha Ay Ka Bilowday Dekeda Berbera Iyo Waxyaa... Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaaciyay In La Hawlgaliyay Dufcadii Afraad Ee Shaqo Qaran... Magaalada Addis Ababa Oo Lagu Qabtay Hub Iyo Dhar Ciidan Oo Sifo Sharci-darro Ah kusoo Galay Dalka. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|