“Haddii Kulmiye Nalaga Saaray Kulmiye Muxuu Yahay? Ma Waxa Uu Ka Duwan Yahay Xisbiyada Kale”Siyaasi cabdilaahi dheere | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haddii Kulmiye Nalaga Saaray Kulmiye Muxuu Yahay? Ma Waxa Uu Ka Duwan Yahay Xisbiyada Kale”Siyaasi cabdilaahi dheere
October 11, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi Dheere) oo wasiirka waxbarashada ka soo qabtay xukumaddii hore ee Kulmiye ayaa dhalliilay tallaabada lagaga saaray Golaha Dhexe ee Kulmiye waxaanu sheegay in aanu waxba u noqonayn arrintaas.

Cabdillaahi Dheere oo wargeyska Geeska Afrika u warramay ayaa sheegay in lagu maagay ka qayb galka qado sharaf loo sameeyay Maxamuud Xaashi.

“Anigu shirweynaha waan joogay halka ay Qabyotire iyo Maxamuud Xaashina ka maqnaayeen, haddiise Kulmiye nalaga saaray Kulmiye muxuu yahay? Ma waxa uu ka duwan yahay xisbiyada kale ee dalka ka jira? Haddii caqliga xisbiga Kulmiye noqday Maxamuud Xaashi buu la qadeeyay ee Golaha Dhexe xisbiga ha laga saaro waxba u noqon maayo ee caqligooda ayaa halkaas dhigay, shirkad haddii shuraako lagu yahay oo lagu kala tago way kacdaa, Kulmiyena waa lagu kala tagay,” Sidaas ayuu yidhi Cabdillaahi Dheere.

Cabdillaahi Dheere oo xukumaddii Siilaanyo ka mid ahaa, horena muddo dheer u ahaa xoghayaha Golaha Guurtida ayaa ka hor shirkii Kulmiye ka qayb galay munaasibad danjiraha Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil u sameeyay Maxamuud Xaashi iyo siyaasiyiin kale. Baashe ayaan isna ka mid ahayn liiska Golaha Dhexe ee la shaaciyay.

XIGASHO; WARGAYSKA GEESKA

COMMENTS
LINKS