Ganacsato Soomali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsato Soomali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa.
October 31, 2020 - Written by Editor:

Johannesburg(W,N)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday dad Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Budhcadda ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaalida ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba Soomaali ah.

Sidoo kale Raggii hubeysnaa ayaa hore dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos nin kale oo Soomaali ah, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad.

Dad yaqaanay laba Marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda ku soo gaabiyay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyagoona ahaa Ganacsato hal dukaan ka wada shaqeynayay, waxaana goobta Meydadka ka qaaday dad kale oo Soomaali ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa dad Soomaali ah ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona ayna jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.

COMMENTS
LINKS