|
|||||
WAJAALE NEWS
Faransiiska oo u yeertay safiirkiisa Turkiga
October 25, 2020 - Written by Wariye:Faransiiska ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weerarray dhiggiisa Emmanuel Macron. Hargaysa(WJN):-Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa. Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah. Mas’uul u hadlay Faransiiska ayaa sheegay in Erdogan uu “u dhaqmay si aan la aqbali karin oo xushmad darra ah.” Labada hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudooyinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin colaadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron. Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday in qaar kamid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii. Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in “Diinta Islaamka ay dhibaato xooggan wajahayso caalamka oo dhan.” Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, isla markaana gaaraya 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu geeska gelinayo diintooda, hadalladiisana ay qiil siin karaan kuwa Islaamka neceb. Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaartay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe. Related posts:DAAWO ; Xubin kamida Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Eedo Culus Ujeediyay Xoghayaha Xisbiga Xasan... Falanqaynta Miisaaniyadda 2018; Kharashaadka Madaxtooyada Iyo W, Maaliyadda Oo Ka Badan Dhamaan Kh... Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Dowlad-deegaanka Somaalida Itoobiya Oo Filayo Inay Wajaale Ku Kulmaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|