|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Xil Muhiim Ah Umagacowday Orodyahanka Caanka Ah Ee Mo Faarax.
October 15, 2020 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Orodyahanka Caanka ee U orda dalka Britain asal ahaan Kasoo Jeeda Soomaaliland Mo Farah ayaa Xukuumada Dalka Jabuuti Umagacawday safiirka Waaxda Dekadaha iyo Aaagagga Xorta ah ee Jabuuti, kaddib markii ay Jabuuti dekadda dalkaasi u beddeshay midka ganacsi Xorta ee ka caagan cashuuraha. Haayada ku shaqada dekedaha jabuuti iyo aaga waaxda cashuuraha ka caagan ayaa ka hadashay magacaabista Mo Faarax loo magacaabay safiirka waaxda dekedaha jabuuti “Waxaan ku faraxsannahay inuu Mo Farah nagala soo qeyb galo Dib u habeynta Dekadda Jabuuti. DPFZA waxay ku faraxsan tahay in mudane Mo Faarax uu noqdo safiirkeenna waxaananu rajeyneynaa in mustaqbalka kala shaqey doono mashaariicda.” Ayay waaxdu ku soo qortay barteeda Twitter-ka. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan daah furay munaasabadda dib u habeynta dekaddaha jabuuti ayaa sheegay in dekaddaasi laga dhigi doono degmada ganacsiga Bariga Afrika oo dhan xidhiidhin doonta ganacsigiisa. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE. Related posts:Suldaanka Guud ee Qurba Jooga Somaliland Oo Ka Hadlay Falkii lagula kacay Xildhibaan Xasan Cawaale... Faraqa U Dhexeeya Khudbadii Madaxweyne Biixi Iyo Xaaladda Waxbarasho Ee Deegaano Dalka Ka Mid Ah! Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Si Rasmiya U Furay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Oo D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|