|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Fadaraalka Itoobiya Oo Xidhiidhka Ujaraysa Gobolka Tigreega!
October 7, 2020 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)- Baarlamaanka Itoobya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aan xukuumadda federaal ka ah ka mamnuucaya in ay wax xidhiidh ama wadashaqayn ah la yeelato baarlamaanka iyo madaxda siyaasadda ee dawlad deegaanka Tigreega. Arrintan ayaa daba socota go’aankii dhowaan ay dawlad deegaanka Tigrey ku diiday inay u hoggaansanto dib u dhigista doorashooyinka ee xukuumadda dhexe qaadatay Coronavirus awgii. Tigrey waxa ay qabsatay doorashadii dib loo dhigay xukuumadda dhexena way diidday in ay natiijada aqoonsato. Go’aanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu sii fogeyn doono dillaaca ku jira xidhiidha labada dhinac. Inkasta oo Tigreegu uu in ka badan 25 sano gacan bir ah ku maamulayey Itoobiya haddana tan iyo 2018 kii markii xukunka uu yimi Abey Axmed oo qawmiyadda Oramada ka soo jeeda, waxa ay Tgreegu muujiyeen didmo badan waxaana laba dhinac u bilowday xidhiidh xumo khatar ku ah midnimada dalka. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAHSAN; Related posts:Safiirka Maraykanka u fadhiya Nariobi Ayaa ku Baaqay In Xasilooni lagu Soo Dabaalo Arrimaha Gobol... Xogo fashiliyay lacagta Adag Ee Qoyska Madaxtooyadu Ka Tahriibiyo Hargeysa Oo Raadkeedi Galay Ganacs... Safiirka Somaliland Ee Kenya oo Ka Hadlay Warbixin Telefiishanka Al jazeera Ka Diyaariyay Dekeda Ber... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|