|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xiisaha Ku Lamaanaa Ciyaartii Galabta Dhexmartay Gobolada Saaxil Iyo Sanaag+Masuuliyiin Si Xamaasadaysan U Kala Taageeray!
October 29, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N-Waxaa maalintii labaad galay tartanka Koobka gobolada Somaliland ee ka socda Garoonka Caasimada hargaysa kaasi oo ay galabta ciyaar xiiso leh ku dhexmartay Gobolada Saaxil Iyo Sanaag. Hadaba intii ay socotay ciyaarta saaxil iyo sanaag ayaa waxaad garoonka ku arkaysa masuuliyiin xukuumada ka tirsan oo si xamaasadaysan u kala taageersan labada xul kuwaasi oo midba gobolada uu taageersan yahay ku boorinayay in ay isagu guushu raaco. Masuuliyiinta ayaa waxay kala ahaayeen Afhayeenka madaxtooyada oo taageersanaa gobolka sanaag Agaasimaha wasaarada gadiidka iyo jidadka oo taageersanaa gobolka saaxil. Sidoo kale waxaa iyagu si cad taageeradooda looga arkayay shaashadaha maayarka magaalada berbera iyo xoghayaha dawlada hoose ee berbera oo iyagu taageeradooda umuujinayay gobolkooda saaxil. Ciyaarta gobolada saaxil iyo sanaag ayaa kusoo dhamaatay 2 iyo 1 ay guushu ku raacday gobolka sanaag oo laba gool dhaliyay halka gobolka saaxilna ay ka dhaliyeen hal gool HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MASUULIYIINTA IYO SIDA AY UKALA TAAGEERAYEEN SAAXIL IYO SANAAG; Related posts:Masuuliyiin Xukuumada Katirsan Oo Kormeeray Dooxa Cabaad Wayne Oo Roobabku Khasaare Soo Gaadhsiiyeen Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Ku Haftay Xilka Culus Ee Wasaarada Iyo Madax... Hanti Dhawrka Qaranka Oo Baadhitaano Ka Bilaabay Haayada Duulista Iyo Madaarada Jsl+Tirada Xafiisyad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|