DAAWO;-Ugaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Si Adag Uga Hadlay Dad Shacab Ah Oo Ciidamada Itoobiya Xasuuqeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ugaaska Guud Ee Beelaha Ciise Oo Si Adag Uga Hadlay Dad Shacab Ah Oo Ciidamada Itoobiya Xasuuqeen.
October 30, 2020 - Written by Editor:

“Waxaa Sidaa Dadka Ugalayaa Waa Ciidamadii Itoobiya Oo Xasuuq Ba,an Nagu Haya”Waxgaradka Beesha Ciise.

DIRI DHABA(W,N)-Ugaaska Guud Ee Beelaha ciise oo ay weheliyaan odoyaasha Gandaha beeshiisu ayaa si adag uga hadlay dad shacab ah oo iyagoo tacsi fadhiya ay ciidamada itoobiya xasuuq ba,an ugaysteen kuwaasi oo lagu laayay deegaanka garba ciise ee deegaanka ismaamulka somalida.

Sidoo kale ugaaska guud beelaha ciise ayaa fariin culus diray dawlada itoobiya iyo raysal wasaare Abiy Axmed oo uu ugu baaqay in uu deg deg wax uga qabto ciidamadii falkaasi sameeyay.

Dhanka kale Ugaaska beelaha ciise ayaa dadka somalida ee ku dhaqan deegaanada somalida iyo diridhababa ugu baaqay in ay iskugu soo baxaan banaan baxyo lagaga soo horjeedo xasuuqa ay ciidamada itoobiya ugaysteen dadkaasi shacabka ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS