|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo fagaare Golaha Xukuumadu Goob Joog Ka Yihiiin Uga Tanaasulay Wasiir Saajin.
October 1, 2020 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shaaciyey inuu ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale kursigaas u tartamo. Madaxweyne-kux-xigeenku waxa uu caddeeyey inuu kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay, kuna dhisi doono wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu yeeshay damac uu kaga mid noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen, badiba xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku kaga dhawaaqay inuu danta xisbiga iyo ta qaranka uga laabtay damaciisii ku aaddanaa inuu mar kale isu sharraxo kursiga Afraad ee xisbiga KULMIYE oo shirweynihii lagu dooranayey maalmaha soo socda furmi doono. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-kux-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dheeraaday sida uu xisbiga KULMIYE, caanka ugu yahay talo-wadaagga iyo isqancinta, islamarkaana hoggaanka xisbiga oo isku duuban, xubno golaha wasiirrada iyo haldoorka gobolka Awdal ku guulaysteen inay madaxweyne-ku-xigeenka ku qanciyaan tanaasulka, sharaf iyo karaamo badanna uu halkaas ku hantiyey oo uu qaatay go’aan tudhaale leh, xisbi ahaanna ay arrintaas mahad ballaadhan ugaga hayaan madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka oo isagu go’aan ku gaadhay inuu ka hadho tartankii uu ugu jirey kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu si qoto dheer u sharraxay dedaalladii iyo naf-hurnimadii uu lasoo maray xisbiga KULMIYE waqtiyadii uu bilowga ahaa, isaga oo xusay inuu xisbiga lexejeclo badan ka qabo uu taariikh weyn ku leeyahay, islamarkaana uu mar walba muhiimad gaar ah siinayo wada-jirka iyo midnimada xisbiga. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey in go’aanka uu damaciisa kaga tanaasulay uu yahay mid ay laf-dhabar u tahay ilaalinta danta qaranka iyo isu haynta wada-jirka xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisaba oo uu sheegay inuu tacab badan soo geliyey,“Waxa aan maanta halkan usoo istaagay inaan u tanaasulo qaranka Somaliland, maadaama oo aannu xisbul-xaakim nahay oo aannaan xisbi mucaarid ahayn, xisbi xaakim khilaaf galaana qaranka dhibaato ku yahay, inaan maanta u tanaasulo qaranka Somaliland, xisbigii KULMIYE iyo gobolkaygii Awdal oo xadaafiir doorasho hore u kala kaxaysay 2017-kii, saddexdaas markaan dhan walba ka rogay waxan qaatay inaan walaalkay wasiir Saajin Booskii uga tanaasulo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, Waxa uu u mahadnaqay deegaannada gobolka Awdal ee uu dhalasho ahaan kasoo jeedo oo uu sheegay inay kaalin weyn ku lahaayeen go’aanka xisbiga iyo qaranka danta u ah ee uu qaatay iyo tudhaalaha ay xisbiga u hayaan, isaga oo cid kasta oo damaciisa taabacsanayd ugu baaqay inay ku daba faylaan oo la shaqeeyaan wasiir Maxamuud Axmed Sacad (Saajin) oo isagu u sharraxan kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE. Related posts:Daawo: Wasaarada Deegaanka Somaliland Oo Amaro Adag Iyo Digniino Ka Soo Saartay Xaalufinta Deegaanka Cabdicasiis Sisto Oo Iska Fogeeyay Eedo Uu Ujeediyay Ganacsade Ina Jabuutaawi, Sheegayna In Aanu Wal... Gudoomiyihii Xisbiga Ucid Ee Gobolka Sool Oo Caawa Dablay Hubaysani Ku Dishay Magaalada Laascanood COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|