|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxwayne Biixi Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Shirwaynaha 4Aad Ee Xisbiga Kulmiye!
October 4, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo khudbad dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ,waxyaabaha uqabsoomay xukuumadiisa iyo kuwa hada ay gacanta ku hayso ka jeediyay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE kaasi oo si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada nugulka ahi. Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey, bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu hore ugu talo galay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA MADAXWAYNE BIIXI IYO ARIMAHA UU KAGA HADLAY;
Related posts:Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Go,aankii Wadani Kalsoonida Kala Noqday Kominshanka Dorashooyinka Xukuumada Somaliland Oo Markale Sheegtay In Argagixisadii Ugu Badnayd Kusoo Qulqulayaan Magaalada La... Wasiirka Wasaarada isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada jsl Oo Ka Warbixiyey Qorshaha Xukuumada Ee Xanuu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|