|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Isku Soo Bax Kooban Oo Magaalada Burco Ay Ka Sameeyeen Dad Kasoo Horjeeday Xayiraada Xukuumadu Saartay Fly Dubai & Al Carabiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan.
October 19, 2020 - Written by Editor:BURCO(W,N)-Qaarkamid Ah Dadwaynaha Ku dhaqan Magaalada Burco Oo Sitay Boodhadh Ay Ku Xardhan Tahay sida Ay Uga soo Horjeedaan xayiraada ay xukuumada somaliland Saartay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Al carabiya Ayaa isku soo baxay Kooban ku dhigay gudaha magaalada burco,Xili Dhinaca kalena Magaalada Burco Ay ka socotay Soo Dhawaynta Waftiga Madaxwaynaha jsl oo ka qaybgalay xaflada Qalin Jabinta Ardayda Jaamacada Burco. Dadka Ayaa la sheegay in ay soo Abaabuleen Wakiilada somaliland ujoogay shirkadaha diyaaradaha ee ay xukuumadu Xayiraada Saaray kuwaasi oo go,aankii kasoo baxay shirkii aan Caadi ahayd ee ay yeesheen golaha Wasiirada Somaliland Lagu dul dhigay shuruudo adag ayaa dalabanayay in laga qaado xayiraada fly dubai iyo al carabiya. Dadwaynahan Ayaa Eedaymo Iyo hadalo Weerar qaawana ujeediyay madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi iyagoo ku doodayay in ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ay shirkadahan u xayirtay reernimo gaar beelaa bariga Somaliland loola jeedo waasida ay hadalka udhigeene. Ficilada iyo hadalada ay ku hadlayeen dadwaynaha udoodayay shirkadaha la xayiray ayaa umuuqday kuwo ahaa banaan bax ay Ku doonayeen in ay waftiga madaxwaynaha kala hor tagaan Ayaa la sheegay in uu Ka fashilmay islamaraana uu dhicisoobay Qorshihii ay wakiiladu ka lahaayeen, kaasi oo ahaa mid khal Khal lagu galinayay waftiga madaxwaynaha wallow aan laga Dareemin gudaha magaalada burco. Balse muuqaalo laga soo Duubay dadkani ay mar danbe soo gaadhsiiyeen iyadoo sida Wararku tibaaxeen ay bada ka riixayeen wakiilada labadan Shirkadood oo iyagu mudooyinkii udanbeeyay abaabulayay madaxdhaqameed iyo dhalinyaro xukuumada ku eedeeyay xayiraada shirkadaha ay wakiilada ka yihiin oo aan wax ogolaansho ah ka haysay xukuumada Somaliland balse ogolaanshihii hore ee ay somalland kaga hawlgalayeen kasoo qaatay maamulka muqdisho. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|