Covid iyo Trump: Daryeelka caafimaad ee Madaxweynaha oo la barbardhigay midka dadka caadiga ah ee Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Covid iyo Trump: Daryeelka caafimaad ee Madaxweynaha oo la barbardhigay midka dadka caadiga ah ee Mareykanka
October 21, 2020 - Written by Wariye:

”Haa ka cabsanin, waad ka guuleysan doonta”

Tani waxay ahayd talada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu u soo jeediyay dadka ka cabsi qaba in cudurka corona uu ku dhaco

Waxaa uu sidaasi sheegay waxyar un kadib markii laga soo saaray cisbitaalka oo looga daaweynayay cudurka corona.

Laakin sida dad badan ay tilmaamen arrintan waxay suura gal u tahay nin agtiisa ay joogaan dhakhaatir caafimaad iyo daawoyiin wanaagsan iyo nin agtiisa ay taallo diyaarad nooca qumaatiga u kacda, hadii wax qabsadaan hase ahaate xaaladdu sidaas way ka duwantahay marka loo eego qofka Mareykanka caadiga ah ee aan daganayn Aqalka cad.

Madaxweynahu xarun caafimaad ayuu ku leeyahay Aqalka Cad waxaa kaloo uu tagi karaa cusbitaalka Ciidamada eeWalter Reed ee u dhaw Bethesda, Maryland waayo waa taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida.

Markiiba halkaasi ayaa loola cararay waxaana lagu hayey qolka Madaxweynaha loogu tala galay, halkaasi ayuu saddex cisho joogay waa goob qalabaysan oo loogu talo galay Madaxda militariga iyo golaha wasiiradda. Waxaa ka mid ahaa qolka cuntada, xafiis gaar ah oo dhameystiran iyo qolka fadhiga soo dhaweynta martida.

Qoraalka Muuqaalka,Four Covid rules broken by Trump and the White House

Bal barbar dhig tan sariiraha gargaraaka sareeya ee waqtigan safmarka ee dalka intiisa kale , Florida, Arizona iyo Texas ayaa sariirahu buux dhaafeen waqtiga xagaagan.

Chart showing deaths and cases in the US since the pandemic began

Gobolka Texas Xarunta caafimaad ee Houston ayaa aad u diyaar garoowday xarun dagaalka Covid19 ah ayeey sameeyeen, iyadoo shaqaalaha iyo sariirahaba dib loo habeyey Si dad badan loo caawiyo.

Fiana Tulip, oo kasoo jeeda Texas ayaa hooyadeed u dhimatay cudurkan bishii July, waxay BBC-da u sheegtay inay hooyadeed ka cabsanaysay cusbitaalada buux dhaafay ee Dallas.

waxay tidhi Ms tulip hooyaday bahda cafimaadka ayeey ka tirsaneeyd maalin walba nafteeda ayeey halis gelin jirtay, waxay arkaysay cusbitaallo buux dhaafay oo aanay ka heleen daryeelkii ay u baahneeyd .

Kiisaska ayaa halkii hore kasoo degay laakiin waxaa laga baqayaa inay waqtiga jiilaalka dib usoo laba kacleyaan.

Madaxweynahu waxa kale oo ku nasiib badnaa waxaa u dhawaa Xarunta casriga ah ee Walter Reed , dadka miyiga Maraykanka degan muddo ayeey ku qaadataa mararka qaar inay taagan goob caafimaad oo casriya.

Daraasad ay sameeysay Jaamacadda North Carolina ayaa lagu sheegay in 120 cusbitaal oo miyiga ku yaalay in la xidhay.

Safarka Diyaradeed

Madaxweyne Donald Trump ayaa diyaarada Marine One hu racaaya cisbitaalka Milatariga ee Walter Reed

Ms Tulip waxay sheegtay inay adagtahay in talefishanka ay ka daawato Madaxweynaha oo diyaraad ka raacayo barxadda aqalka cad kadib markii hoyadeed ay geeriyootay.

Waxay sheegtay in hooyadeed isku dayday inay ka dhaadhiciso qoyskeeda inaysan u yeerin gaariga gurmadka degdega ah, sababtoo ah ma aysan doonayn in culees dhanka caymiska ah soo fodsaaro caruurteeda.

Maraykanka dadku waxay ka cabsi qabaan inay u yertaan gawaarida degdega ah ilaaa uu caymiska cafimaadka uu kharashadkaasi bixinayo.

Qoraalka Muuqaalka,Trump doctor on the president’s condition: “He’s back”

Mid ka mid ah dadka ku nool miyiga magaalada Kansas ayaa u sheegay idaacadda maxalli ah ee KCUR-FM in lagu soo dalacayay kharash gaaraya $ 80,000 oo doolar oo ah lacagta diyaarad gurmadka degdega ah oo qaaday markii uu aad u xanuunsanayey kadib markii cudurka coronavirus uu soo ritay bishii Abriil. Biilka ayaa markii dambe la xaliyay kadib isjidjid u dhexeyay shirkadda diyaarada iyo caymiskiisa caafimaad.

Xaaladaha caynkan oo kale oo waqti badan qofka bukaanka uga dhiman, balse Madaxweynuhu isaga walaacan ma qabo.

COMMENTS
LINKS