|
|||||
WAJAALE NEWS
Carruur ku dhimatay qarax ka dhacay iskuul diinta lagu barto
October 27, 2020 - Written by Wariye:Pakistan:(WJN):-Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay 50 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay iskuul diinta lagu barto oo ku yaalla dalka Pakistan, sida ay booliisku sheegeen. Carruur ayaa ka mid ahayd dadka ku dhintay qaraxa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Peshawar. Weli ma jirto ced sheegatay qaraxa, waxaana weli socda baaritaan. Magaalada Peshawar, oo u dhow xadka Afghanistan, waxaa ka dhacay weerarradii ugu ba`naa, intii uu socday kacdoonka ururka Taliban sanadihii la soo dhaafay. Lix sano kahor, rag hubeysan ayaa galay iskuul milatari oo isla magaalada ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay 150 qof, oo ay carruur badan ku jireen. Si kastaba, tirada weerarrada ayaa yaraaday sanadihii la soo dhaafay. Related posts:Gudoomiyaha Guurtida oo Gunooyinkii Ka Jaray Xildhibaano Ka Soo Xaadiri Waayay Kal-fadhiyadii Golaha Daawo:Madal Lagu Soo Bandhigay Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Wadani Oo Uu Ka Qayb Galay Musharax C... DAAWO ; Aragtida Bulshada Gobolka Gabiley Oo Cabiray Sida ay U Arkaan Wadahadalada Somaliland Iyo S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|