|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Shirarka Siyaasadda Ka Mamnuucday Huteellada Magaalada Burco In Lagu Qabto Iyo Sobobta!
September 28, 2020 - Written by Editor:Burco(W,N)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in wax shirar ah oo siyaasad ku saabsan, oo aan isaga ogolaanshiyo looga soo qaadan, lagu qabto gabi ahaan huteeladda Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Amarkan oo qoraal ah ayaa waxa uu Shalay kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, waxaana dhamaan Mulkiilayaasha iyo Wakiiladda Huteelada Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka ka Togdheer lagu amray inaan huteeladooda lagu qaban karin wax shirar siyaasadeed ah, kuwaasi oo cid lagu taageerayo ama lagu dhaliilayo, waxaana loo malaynayaa in Amarkani daba socdo shirar Siyaasadeedyo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Burco kuwaasi oo ay qabsanayeen taageerayaasha Siyaasiyiin saluugsan Shirweynaha 4-Aad ee Xisbiga Kulmiye oo bishan soo socota bilawgeedda ka qabsoomaya Hargeysa. Qoraalkan ayaa waxa lagu yidhi “Sida aad la socotaan, iyadoon wali la gaadhin wakhti Kaambayn iyo olole doorasho midna, taasi oo ay ka dhalan karto khal khal samayn ku yeesha Hantidiina iyo nabadgalyada intaba, sidaa darteed waxa ala idin farayaa inaan lagu qaban Karin wax shirar siyaasadeed ah oo aan looga fasax qaadan Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, huteeladiina, taasi oo cidii u hogaasami wayda amarkan laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan”. Sikastaba ha noqotee, waxa si weyn isha loogu hayaa halka uu sal dhigto dhaq dhaqaaqyo xoogleh oo ay Gobolada Iyo Caasimaddaba ka wadaan siyaasiyiin han lahaa, islamarkaana Hunguri kaga jiray Hogaaminta Kulmiye kuwaasi oo ka biyo diiday hanaanka loo maamulay shirka iyo sida wax loo wado, waxaanay isku dayaan inay muujiyaan cududda taageero ee ay ku dhex leeyihiin Kulmiye iyagoo dhinaca kalena ku mashquulsan go’aanka ay ka qaadanayaan maadaama oo soo jeedimahoodii loo joojin waayay.
Related posts:DAAWO;-Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa Iyo Masuuliyiin Ka Qayb... Daawo:Nuxurka Khudbad Dhinacyo Badan Taabanasa Oo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxman Ciro Ujeediyay... Munaasibad Loogu dabbaal-degayo Sanad-guurada 58-aad ee Kasoo 26-ka June oo Lagu Qabtay Xarunta Mada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|